Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida iyo dambiyada culus ee maamulka Jubbaland ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay laba nin oo la sheegay in horay dil uga geysteen deeganada maamulkaasi.
Raggaan dilka lagu fulieyey ayaa maxakamddu sheegtay in ay tahay qisaasta laba rag horay u dileen.
Yaasiin Cusmaan Colow ayaa horay u dilay Marxuum Muxiyadiin Cabdi Xassan, halka Dable Maxamed Cabdullaahi Siciid uu isna horay u dilay Marxuum Maxamed Deeq Nuune Saalax, sida uu sheegtay Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee maamulka Jubbaland.
Xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamadda ciidamada Qalabka sida, Mowliid Axmed Xasan ayaa warbaahinta u akhriyay xukunka maxkamadda fulisay, sidoo kalana sheegay in waajib tahay ciddii qof dil u geysataa laga oofin doonno, lana marsiin doono sharciga.
Qisaasta maxkamadeyntaan ayaa imaaneysa xilli ay horay xukunno sidaan oo kale rag loo qisaasay dad ay u geysteen dilal.
HBN ONLINE TV

