Banaan bax ka dhan weerarkii Jimcihii oo Liido ka socda

Dibad bax ka dhan weearkii Jimcihihii laga geystay Xeebta Liido Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir oo lagu muujinayo sida looga soo horjeedo ayaa hadda ka socda afaafka hore ee xeebta, waxaana ka soo qayb galay dhalinyarada, masuuliyiin iyo qaybaha kale ee Bulshada.

Dhallinyarada ku sugan Magaalada Muqdisho oo ka qaybgalaysa kulankaan ayaa qaar hadalo jeediniyaan ay dareenkooda ku muujiyaan hadal-jeedintooda iyo boorarka ay wataan maadaama Dadka halkaas waxyeelladu ku gaartay ay u badnaayeen Dhallinyaro.

Ammaanka Xeebta Liido ayaa aad loo adkeeyay waxaana la geeyay ciidamo katirsan kuwa amniga u qaabilsan Dowladda Federaalka si ay u sugaan nabadgalyada goobtaan uu ka dhacayo isu soobaxa sida ilo masuuliyiinta DFS u xaqiijiyeen HBN ONLINE TV.

Darbiyada dhismayaasha ku yaala xeebta Liido ayaa lagu xardhay qoraalo ka dhan ah weerarkii jimcihii oo ay ku dhinteen 37 ruux, halka 64 kale ay ku dhaawameen sida aan ka soo xiganeyno bahda caafimaadka ee Dowladda Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed