Xisbiga mucaarada ee Waddani iyo ururka Kaah ayaa ku heshiiyay in ay isbaheysi ku noqdaan Doorashada Somaliland ka dhacaysa bisha 11-aad ee Nofeembar waxaana ay ku ballameen in ay awoodda saaraan Musharrax madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo xilka ugu tartami doona.
Ururka Kaah oo aan kamid ahayn Saddexda Xisbi ee ugu weyn Somaliland ayaa gadaal ka riixi doonna Musharraxa ka socda Waddani oo u baahan in uu helo is baheysi ku garab istaagta sidii uu xilka ugu guuleysan lahaa.
Musharax Madaxweynaha Cabdiraxmaan Cirro oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa X ayaa yiri “Waxaan idiin balan qaadayaa in aanay jiri doonin doorasho dambe oo dib u dhacda. Waxaan idiin balan qaadayaa inaan idiin shaqeeyo oo anan idinka shaqaysan, in aan idin dhagaysto oo aanan iska kiin dhaga marin, In aan idin mideeyo oo aanan idin kala qaybin.”
Waddani oo damacsan in uu xilka ka fara-maroojiyo Xisbiga Muddada fog talada Maamulka Somaliland haya ee Kulmiye ayaa billaabay raadinta Isbaheysi uu ka dhex sameysanayo ururada kale ee awood ahaan ka hooseeya balse codadka heli karo.
Haddii rajadooda u dhaqangasho waxa ay labadooduba ay sameyn doonnaan Xukuumad wadaag ah sida ku xusan qodob kamid ah qodobadii ay ku heshiiyeen dhinacyada Mucaaradka ah ee Waddani iyo Kaah.
Musharrixiinta Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa Somaliland sanadka 2024 waxa ay ka wada imaan doonnaan Xisbiga Waddani sida ku cad qodobka 4aad ee heshiiska iskaashiga ah uu Xisbigaas la galay ururka Kaah.
HBN ONLINE TV