Maamulka Jubbaland ayaa maanta go’aamo rasmi ah ka soo saaray dagaal beeleedkii dhawaan ka dhacay degmada Luuq ee gobolka Gedo, ka dib guddi dib u heshiisiin ahaa oo soo bandhigay qodobo xal u ah colaadaasi.
Kulamadii dib-u-heshiisiinta iyo nabadeynta ee looga hadlayay colaadaha salka ku haya aanooyinka qabiil ee ka socda magaalada Luuq ayaa lasoo gabagabeeyey, iyada oo laga soo saaray war murtiyeed.
War murtiyeedka oo uu warbaahinta u akhriyey madaweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aaden ayaa waxa uu ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in la horumariyo wada noolaanshaha bulshada dhexdeeda, waxaana lagu baaqay in maxkamad la soo taago siddeed qof oo lagu eedeeyay hurinta iska hor imaadyada.
Sida oo kale waxaa mid ka mid ahaa beelaha oo dambiga dagaalka in uu huriyey guddigu ku heleen ayaa lagu xukumay bixinta xoolo nool oo ciqaab ahaan loogu ganaaxay, sida hadalka loo dhigay.
5-tii bishii lixaad ayaa magaalada Luuq waxaa ka dhacay dagaal beeleed sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed, kaasi ku dhawaad asbuuc ka socday, halka uu sababay barakac baahsan oo degmada saameeyay.
HBN ONLINE TV

