23 qof ayaa lagu dilay magaalada Ceel-Fasher ee xarunta galbeedka gobolka Waqooyiga Darfur ee dalka Suudaan, kadib markii ay madaafiic ku garaaceen ciidamada Gurmadka degdega ah ee RSF, sida ay sheegeen masuuliyiinta deegaanka.
Isku xirka Guddiyada iska caabinta Ceel-Fasher ayaa hadal kooban oo ay soo dhigeen Facebook-ga ku sheegay in tirada dadka ku dhintay duqeymaha sida ula kaca ah ay geysteen Ciidamada Gurmadka Degdegga ah ay gaarayaan 23. Isla markaana ay ku dhaawacneen 60 qof.
Magaalada Ceel-Fasher waa caasimadda kaliya ee shanta gobol ee Darfur ee aysan gacanta ku hayn RSF-ta, muddo dheerna dagaalku ma soo gaarin.
Magaalada, oo hoy u qaxooti badan, waxay xudun u tahay arrimaha bini’aadantinimo ee gobolka si ba’an ee ay macluushu uga jirto.
Si kastaba ha ahaatee, dagaal culus ayaa ka qarxay 10-kii bishii May, kaasoo sare u qaaday cabsida laga qabo isbeddel cusub oo “walwal leh” oo ku yimaada dadka rayidka, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
Bishii Juun, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu ku baaqay in la joojiyo “go’doominta” ciidamada RSF ku hayaan magaalada Ceel-Fasher.
Magaalada waxaa ka socday duqeymo maalmo socday. Isniintii, Guddiyada iska caabinta Ceel Fasher ayaa sheegay in 65 qof lagu dilay intii u dhaxeysay 27-kii ilaa 29-kii July sababo la xiriira madaafiic ay ridayeen Ciidamada Gurmadka Degdegga ah.
HBN ONLINE TV

