Xowliga Daacish-ta Soomaaliya oo laga cabsi qabo waxa ka dhalan kara

Khuburada dhanka amaanka ayaa sheegay in tirada kororka kooxda Daacish ee Soomaaaliya uu sare u kacayo muddooyinkii ugu dambeeyey, maadaama dadka ay qoratay uu si xowli ah ku socda sida ay qabaan dadka arimaha ammaanka Soomaaliya la socda.

Tirada Daacish eeSoomaaliya ayaa lagu sheegay in 50% (boqolkiiba konton) ay kordheen sanadkaan 2024, sida uu warbaahinta u sheegay Taliyihii hore ee Sirdoonka Ciidamada Booliska Puntland Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi yare).

Waxaa uu intaa ku daray in aaminsan yahay in uu waxaa kale oo uu tilmaamay in uu aaminsanyahay in hoggaamiyaha IS Soomaaliya Cabdulqaadir Muumin uu ka badbaaday duqeyntii Mareykanka ee 31-kii May ka dhacay dooxada Dhaadaar oo ku dhawaad 80KM dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Kooxdan oo ku xoogga gobolka Bari ayaa waxaa dagaal kala duwan ay la gashaa ciidamada mamaulka Puntland.

24-kii bishii hore Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PSF-ta Puntland ayaa gacanta ku soo dhigay Cimraan Maxamed Calawi oo ahaa ajnabi ah oo xiriir la leh Daacish oo u dhashay Zanzibaar.

Dowladda Itoobiya ayaa waxa ay sheegtay in ku biiritaanka muwaadiniinta dalkaas ee kooxaha argagixisada ka dagaalama Soomaaliya ‘aan ahayn walaac weyn”.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed