Baaris ku aadan weerarka Xabsiga dhexe Xamar oo DFS bilowday

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay ina ay billowday baaritaan ku aaddan iska hor imaadkii xoogganaa ee shalay ka dhacay xabsiga dhexe ee Xamar oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Maxaabiis iyo Askar ilaalo ka ahaa Xabsiga.

Dhacdadan oo dhacday 13-kii Luulyo, 2024, ayaa lagu arkay maxaabiis la rumeysan yahay inay xiriir la leeyihiin kooxda Al-Shabaab oo ku xukunna dil in ay fursad ay heleen qalqal ku galiyeen xabsiga dhexe, iyaga oo dagaal adag la galay ciidamada ammaanka.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa ku dhawaaqay baaritaanka, isagoo carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in la soo bandhigo sida maxaabiista ay ku heleen hubkii suurtageliyay inay soo abaabulaan weerarka.

Waxa uu walaac ka muujiyay falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka ee ka jira goob amnigeeda si aad ah loo ilaaliyo, waxaana uu sheegay in ay muhiim tahay in lala xisaabtamo dadka mas’uulka ka ah. “Aad baan uga xumahay waxa ka dhacay xabsiga dhexe, taasoo ah arrin aan la fileyn oo halis ah. Waxaan rajaynaynaa in madaxda xabsiga iyo taliyayaashaba ay warbixin noo keenaan. Cid kasta oo isla khaladkaas geysatay waa lagula xisaabtamayaa,” ayuu yidhi Dr. Saleebaan.

Iska horimaadkan oo sababay dhimashada 13 maxbuus iyo dhaawaca 18 ka mid ah maxaabiista iyo ciidamada ammaanka, ayaa dhaliyay su’aalo muhiim ah oo ku saabsan hab maamuuska amniga gudaha iyo ku lug lahaanshaha shaqaalaha xabsiyada ee hubka sharci darrada ah lagu soo geliyo xarunta.

Dr. Suleymaan waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay hufnaan iyo isla xisaabtan, isagoo tilmaamay in natiijada baaritaanka ay la wadaagi doonaan hay’adaha ku shaqada leh si tallaabo dheeraad ah looga qaado.

Horay guddoomiyaha Maxkamadda CQS Xasan Cali Nuur Shuute ayaa u sheegay Xaaladda ciriiriga ah ee ka jirta xabsiga dhexe ee Muqdisho, oo loogu talagalay in lagu xiro 800 maxbuus, balse hadda ay ku jiraan ku dhawaad ​​1,600, taasi oo ah mida sii xumeeysay caqabadaha ammaanka.

Dhacdadani waxay hoosta ka xariiqaysaa baahida degdega ah ee loo qabo hagaajinta maamulka iyo kaabayaasha si looga hortago dhacdooyinka la midka ah mustaqbalka. Qoysaska ay dhibaatadu saameysey iyo sidoo kale dadweynaha guud ayaa sugaya natiijada ka soo baxda baaritaankan iyo tallaabooyinka xiga ee lagu xoojinayo amniga gudaha nidaamka xabsiga.

Weerarkan mid la mida ayaa hore uga dhacay xabsiga dhexe ee Muqdisho sanadkii 2022-kii, ka dib markii maxaabiista iyo ciidamada ilaaladu ay dagalameen, taas oo dhalisay dhimashada ilaa 10 ruux oo isugu jiray ciidanka iyo maxaabiistii ku xirnayd xabsiga.
HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed