Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa maanta kala diray dhammaan golihiisa Wasiirada, wuxuuna ballan qaaday inuu soo dhisi doono xukuumad cusub oo tayo leh, kaddib toddobaadyo ay socdeen mudaaharaadyo ka dhashay canshuuro badan iyo maamul xumo.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay taleefishinka, ayaa sidoo kale xil ka qaadis ku sameeyay xeer ilaaliyaha guud, wuxuuna sheegay in wasaaradaha ay maamuli doonaan xoghayaashooda joogtada ah.
Ruto ayaa sheegay in tallaabadan uu qaaday ka dib markii uu dhageystay shacabka, isla markaana uu la tashi ka dib uu soo dhisi doono dowlad sal ballaaran.
Dalka Kenya ayaa waxaa ka socday saddex toddobaad oo rabshado ah oo ay dibad-baxayaal gudaha u galeen baarlamaanka 25-kii June kaddib markii la ansixiyay sharciga maaliyadda oo canshuur kordhin lagu sameeyay.
In ka badan 30 qof ayaa ku dhintay mudaaharaadyada. ka hor go’aankan waxaa uu madaxweynuhu heleyey baaqyo loogu baaqayay inuu is casilo laakiin ugu dambeyn go’aankii u furnaa ayuu qaatay galabta.
HBN ONLINE TV

