Itoobiya oo ciidankii ugu badnaa u tababaraysa Somaliland

Taliska ciidamada Somaliland ayaa sheegay in ciidamadii ugu badnaa ay u dirayaan Itoobiya, halkaasi oo ay ku soo qaadanayaan tababar dhanka ciidanka ah.

War qoraal ah oo si kooban loogu baahiyay barta Facebook ee Telefishinka afka xukuumada Somaliland ku hadla ayaa lagu sheegay in taliyaha guud ee ciidamada Somaliland Nuux Ismaacil Taani uu saaka u ambabixiyay ciidamada maamulkaas ee tababarka loogu diray dalka Itoobiya. Taliyaha ayaa ciidamadan ka sagootiyay magaalada xadka ku taalla ee Wajaale.

Muuqaalka ayaa waxaa ka muuqanaya gawaari basas ah oo ay ciidamadu saaranyihiin oo u muuqda in ay ku sii jeedaan Itoobiya.

Inkasta oo warkaan lagu sheegay in ciidamadani yihiin kuwii ugu badnaa, haddana tiro rasmi ah laguma sheeegin qoraalka, sida oo kale lama sheegin mudada tababarkaas ciidanku u socon doono.

Dirista ciidamadan tababarka loogu diray Itoobiya ayaa wuxuu ku soo aadayaa iyada oo wali colaad xun u dhaxeyso Somaliland & Maamulka SSC Khaatumo, isla markaana ciidamada labada dhinac isku horfadhiyaan dhawr aag.

Horaantii sanadkan, Somaliland ayaa heshiis la saxiixatay Itoobiya si ay saldhig ciidan uga sameysato gobolka Awdal, waxaana taasi badalkeedii lagu sheegay in Itoobiya aqoosan doonto Somaliland, inkasta oo wali aanu hirgalin is afgaradkaasi oo diidmo xooggan kala kulmay dawlada Soomaaliya.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed