Dagaal geystay in ka badan 10 dhimasho & dhaawac ah oo ka dhacay gobolka Mudug & xiisada oo kacsan

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal beleed culus oo ka dhacay deegaanka Buq ee hoosta degmada Towfiiq ee gobolka Mudug ee maamul ahaan ay xakumaan Puntland, wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dhimashada & dhawaaca ay kor dhaafayaan 10 ruux, sida ay ku warramayaan ilo deegaanka ah. Ilaa iyo haatan si rasmi ah looma xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ah ee ka dashay dagaalkaas.

Guddoomiya degmada Towfiiq Cabdinuur Jaamac Cali ayaa sheegay in ay isku dayeen in ay ka hortagaan dagaalladaam balse ay maareyn waayeen, waxaa uu intaas raaciyay inaan maalmo kahor labada dhinac ay ku dagaallameen Ceel biyood ku yaal deegaankaas, halkaas oo ah ubucda meesha uu ka qaraxay dagaalku. Waxaa uu hadalkiisa ku soo koobay in ay jiraan khasaaro dhimasho & dhaawac ah oo soo gaaray labada maleeshyo balse aanan la ogaan karin inta uu gaar siisan yahay.

Dagaalkan ayaa la sheegay in uu dhaxeeyo Belaha Dir & Sheekhaal ee wada daga gobolkaas, kuwaas oo in muddo ah ay ka dhaxeysay coloodo dhiilo xambaarsan ee gobolka ah, iska horimaadkan ayaa salka ku hayo dilal ka dhex dhacay belahaas maalmo kahor iyo Ceelal lagu muransan yahay, taasoo keentay in maanta aaggaas uu ka dhaco dagaalkaan saameynta ku yeeshay guud ahaan deegaanka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in gadiid dagaal la kala qabsaday, wallow anaan si rasmi ah loo caddeyn tirada gaaadiidkaas maaddaama wali xiisadu ay taagan tahay.

Majiro wax war ah oo ilaa hadda ka soo baxay maamullada Puntland & Galmudug ee ku aaddan dagaalkan ballaaran ee ka dhacay gobolka, kaasoo saameeyay isku socodka dadka iyo gaadiidka isla markaana wali ay is horfadhiyaan maleeshiyaadka hoggaaminaya dalka.

Si kastaba ha ahaatee, gobolka Mudug ayaa la-daalaa dhacaya dagaallo sokeeye oo saameyay hormarka gobolka isla markaana martigaliyay dagaallo ba’an oo sababay dhimasho & dhaawacyo tiro beel ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed