Shir xasaasi ah oo maanta magaalada Muqdisho uga furmay Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Isniin ah ka furmay shirweynaha Bariga Afrika ee  (EACON 2024) kaasoo looga hadlayo xoojinta iskaashiga gobolka ee bulshada Bariga Afrika. Iyada oo loo marayo guddiyo ka-qaybgalayo, bandhigan sida weyn loo soo agaasimay, iyo hindisayaal iskaashi, shirku wuxuu higsanayaa inuu u beddelo caqabadaha fursado iyo inuu u gogol xaaro iskaashiga, ka-qaybgalka, iyo barwaaqada Bariga Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud kamida ah mas’uliyiinta ka qeyb galaya, sidoo kale  Madax ka kala socotay dalalka Bariga Afrika iyo wakiilo kala duwan  ayaa waxa ay kaga hadlayaan doorka Soomaaliya ee ururkan iyo waxyaabaha ay ku soo kordhin karto.

Shirkan ayaa lagu wadaa in lagu soo bandhigo fursadaha ay xubnahaasi siinayaan Soomaaliya, waxaana la rajeynayaa in dalka uu si macno leh uga qeyb qaato himilooyinka bulshada.

Shirkan oo ay ka soo qeyb galayaan madax iyo wakiilo ka kala socda dowladaha xubnaha ka ah ayaa ujeedadiisu tahay sidii loo xoojin lahaa dadaallada iskaashiga iyo isdhexgalka ee gobolka. Wadahadalladan ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro iskaashiga dhaqaalaha, fududeynta ganacsiga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee Bariga Afrika. Ku biiritaanka Soomaaliya ee bulshada ayaa hoosta ka xariiqaysa sida ay uga go’an tahay xasilloonida gobolka iyo horumarinta dhaqaalaha.

Shirkaan waxaa sidoo kale ka qaybgalaya wasiirro ka tirsan xukuumadda, Safiirro, qaar ka mid ah Madaxda Jaamacadaha dalka, mas’uuliyiin iyo aqoonyahanno ka socda caalamka.
HBN NEWS DESK
Image

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed