Dowladda Soomaaliya oo shaacisay xujeyda ku geeriyootay dalka Sacuudiga xilli ku dhawaad 600 oo ruux ay ku dhinteen

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay geerida lix ka mid ah xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan gudaneysa waajibaadka Xajka ee dalka Sacuudiga. Warkan ayaa ka soo baxay xafiiska arrimaha xajka, iyadoo Khadar Daahir oo ah madaxa xafiiskaasi uu la hadlay warbaahinta Sacuudiga.

Sida uu sheegay Daahir, dadka dhintay ayaa isugu jiray saddex rag ah iyo saddex dumar ah, kuwaasoo laba ka mid ah ay dhinteen ka hor intii aysan gudan waajibaadka Xajka. Kuleylka daran ee ka jira magaalooyinka Makkah iyo Madiina ayaa ah heer kul aad u sarreeya oo gaaraya 50°C, waxaana uu saameyn weyn ku yeeshay xujeyda ka kala imaanayay dalal kala duwan.

“Lix ka mid ah xujeyda oo ay ku jiraan dad waayeel ah ayaa naftooda ku waayay iyagoo gudanaya waajibaadka xajka, kuleyl xoogan oo sanadkan dhacay …” ayuu yiri. Wadarta guud ee dhimashada xujeyda ka kala timid dhammaan dalalka ayaa gaartay 550, sida uu sheegay xafiiska warbaahinta ee Haramain.

Heer kulka sare iyo xaaladaha cimilada  ayaa halis weyn ku ah caafimaadka iyo badqabka xujeyda, taasoo keentay in tiro kale oo  dhaawac a. Dowladda Soomaaliya ayaa tacsi u dirtay qoyskii iyo qaraabadii ay ka baxeen, waxaana dowladda Sacuudiga ay kala shaqeyneysaa sidii ay u caawin lahaayeen una fududeyn lahaayeen soo celinta meydadka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed