Dadaallo wadajir ah ee lagu xoojinayo ammaanka gobollada xuduudka la leh Soomaaliya, ayaa Wasiirka Gaashaandhigga Kenya, Aadan Barre Ducaale, waxa uu kulan xasaasi ah la qaatay Guddoomiyeyaasha Garissa, Wajeer, iyo Mandheera. Kulankaan ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa amniga iyo sidii wax looga qaban lahaa qatarta joogtada ah ee kaga imaaneysa kooxda ee Al-Shabaab.
Wasiir Ducaale ayaa soo hadal qaaday horumarka baaxadda leh ee dhanka amniga ee ka jira gobolladan, isagoo sheegay in horumarkaas uu ku yimid wadashaqeynta ka dhaxeysa maamulada, shacabka iyo hay’adaha amniga. “Waxaa jira isbedel weyn oo ku yimid muuqaalka amniga ee Gaarisa, Wajeer, iyo Mandheera,” ayuu yiri Ducaale. “Horumarkani waa natiijada dadaallada la isku dubariday ee maamulada, shacabka, iyo ciidamadeena amniga.” ayuu sii raaciyay.
Ducaale ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo marar badan mas’uul ka ahaa weeraro ka dhacay gobolka. Waxa uu sheegay in ciidamada ammaanka lagu amray in ay xoojiyaan howlgallada si ay uga hortagaan weeraro kale, isla markaana ay u sugaan ammaanka dadka deegaanka.
Kenya ayaa muddooyinkii dambe waday dadaallo ay kaga hortagayso khatarta Al-Shabaab, waxaana ka mid ah in dhowr qof oo Ajaanib ah la qabtay kuwaas oo doonayay in ay u gudbaan Soomaaliya si ay ugu biiraan Al-Shabaab. Xarigan ayaa laga helay xogo sirdoon, iyadoo dadka qaarkiis ay shaaciyeen haybtooda, sawiradooda iyo dalalka ay u dhasheen.
Guddoomiyeyaasha Garissa, Wajeer, iyo Mandheera ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay taageeridda ajendaha amniga qaranka Kenmya iyo in ay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha ammaanka si ay u ilaaliyaan nabadda iyo xasilloonida gobolladooda.
Kulankani waxa uu hoosta ka xariiqayaa habka firfircoon ee Kenya ee ku aaddan sugidda xuduudaheeda iyo la dagaallanka argagixisada.
Tallaabooyinka amniga ee la xoojiyay ee gobolladan soohdinta ah ayaa la filayaa in aanay kaliya ilaalin bulshooyinka deegaanka balse ay sidoo kale gacan ka geystaan xasilloonida iyo ammaanka Geeska Afrika.
HBN NEWS DESK