Madaxweynaha maamulka Galmudud iyo odayaasha dhaqanka ee labada beelood ee dirirtu dhexmartay iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaasi ay booqasho ku tageen deegaankaas, si ay u damiyaan colaadda labada beelood ee walaalaha ah.
Dagaal beeleedyada ka dhacay gobolka ayaa galaaftay nolosha in ka badan 50 qof iyo barakaca boqolaal qoys.
Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa xoojisay ammaanka deegaanka si loo soo afjaro dagaaladii khasaaraha badan dhaliyay, iyadoo laamaha ammaanka ay ku guuleysteen in ay kala dhex dhigaan labada beelood ee halkaasi ku dagaalamay, isla markaana ay fariisimo ka sameysteen deegaannadii lagu dagaalamay.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Kaariye Qoorqoor ayaa dadaalo badan u galay sidii xaaladda loo qaboojin lahaa, waxaana ka mid ah in uu magacaabay guddi shan xubnood ah oo ka kooban wasiiro, si ay wada hadal u dhex dhigaan, isla markaana wada hadal nabadeed u dhex dhigaan labada beelood ee dirirtu dhexmartay.
Madaxda ugu sareysa Soomaaliya ayaa Al-Shabaab ku eedeeya in ay huriyaan colaado u dhaxeeya beelo walaalo ah si ay dowladda Federaalka uga mashquuliyaan howlgallada xooggan ee dalka looga xoreynayo dagaalyahannada Al-Shabaab iyo in ay wada hadal nabadeed dhex dhigaan beelaha ay dirirtu dhexmarto.
HBN NEWS DESK