Muuse Biixi oo si la yaab leh u difaacay heshiiskii Itoobiya uu la galay

Madaxweynaah Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbad u jeediyay labada aqal Baarlamaanka Somaliland, ayaa mar uu ka hadlayay is-afgaradkii uu Addis Ababa kula saxiixay Ra’isalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed wuxuu sheegay in heshiiskaasi nuxurkiisu yahay wax wada qaybsi, horumarinta ganacsiga, iyada oo Dekedda Berbera ay u adeegi doonta dadka iyo dalka Itoobiya.

“Is-af-garadka Itoobiya iyo Somaliland dhex maray 1-dii January waxaa sal u ah laba dal in midna aqoonsi helayo, midna saldhig ciiidan baddeed oo kiro ah helayo” ayuu ku yiri khudbadiisa Madaxweyne Muuse Biixi.

“Itoobiya waa ta ugu dadka badan dalalka aan badda lahayn ee adduunka. Sidoo kale, waa dalka 7-aad ee ugu dhulka weyn dhammaan dalalka aan badda lahayn ee adduunka,” ayuu yiri Muuse Biixi.

Madaxweynaha Somaliland ayaa ku dooday in Dawladihii isaga dambeeyay ee soo maray Soomaaliya waa sida hadalka uu u yiriye ay hagradeen Somaliland,

“Waxa noo cadaatay in dowladda Xamar ka dhisani ay iska idho-tirayso in aanu nahay laba dal oo siman oo ku midoobay 1960-kii raadinta 5-tii Soomaaliyeed. Mar haddii ay xaqiiqada diidan tahay Soomaaliya waxa hubaal ah in aanay faa’iido yeelanayn shirar dambe oo aanu isugu nimaadnaa,” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland.

Dhinaca kale Muuse Biixi oo ka hadlay arrimaha gudaha ee Somaliland ayaa si ba’an wuxuu ugu eedeeyey Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani in uu hagardaameeyey geeddi-socodka degannaanshaha Somaliland, waa sida hadalka uu u dhigaye.

Muuse ayaa soo hadal qaaday kooxihii hubaysnaa ee galay Buurta Gacan Libaax isagoo sheegay in halkaasi lagu laayey ciidan isla markaana arintaasi ay ahayd dhabar jabin lagu sameeyay Somaliland, isagoo sheegay in kuwii ka dambeeyay arintaasi caddaalada la horkeeni doono.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo soo hadal qaaday doorashada lagu wado inay dhacdo bisha November ee Baarlamanka iyo Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in ay ku bixi doonto 20 milyan doolar.

Warqabadka HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed