Ugu yaraan 45 qof oo ku geeriyootay dagaal beeleed ka dhacay Galguduud

Ugu yaraan shan iyo afartan qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen tiro intaasi ka badanna ay ku dhaawacmeen, dagaal beel ka dhacay deegaanada Laandheer iyo Qalaaqale oo ka tirsan gobolka Galguduud.

Dagaaladan ayaa salka ku haya aanooyin qabiil, waxaana la sheegay in uu u dhaxeeya laba beelood oo ka soo kala jeeda Caabudwaaq & Xeraale, waxaana colaadan ay ku salaysan tahay aanooyin qabiil iyo dagaalo horey u dhexamaray labadan beelood.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ayaa ah maleeshiyaadkii dhinacyada dagaalamayay, waxaana wali taagan xiisada dagaalka. Warar aynu ka helayno magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in ciidamada ka socda dowladda federaalka ah iyo kuwa Galmudug ay ku baxeen goobaha dagaalladu ka dhaceen si ay u kala dhex galaan labada beeleed.

Dowladda Soomaaliya ayaa war ay ka soo saartay dagaaladan waxay baaq nabadeed u dirtay beelaha ku dagaallamaya degaanadaas.

Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa Bayaan ay soo saartay waxay u baaqday labada beelood ee dagaallamaya in ay si deg deg ah ku joojiyaan dirirta isla markaana ay fursad siiyaan nabadda iyo in la wadahadalno.

Baaqaasi nabadeed ayaa sidoo kale looga codsaday dadka waxgaradka ah, sida odayaasha dhaqanka, culumaa’udiinka iyo bulshada inteeda kale, in ay nabadda u istaagaan oo ay kaalintooda ka qaataan sidii colaadaasi loo joojin lahaa.

Baaqaasi nabadeed ee kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka ayaa sidoo kale waxaa loogu baaqay maamulka Galmudug in ay kaalintooda ka qaataan sidii collaadaasi loo joojin lahaa.

Warqabadka HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed