La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macallin Cali oo wareysi siiyey Telefishinka Universal ayaa shaaca ka qaaday in “Ciidamo kale oo Afrikaan ah la geyn doono goobihii ay baneeynayan ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS)”.
Tallaabadan istaraatiijiga ah ayaa imaanaysa iyadoo ciidamada Itoobiya ay isku diyaarinayaan inay ka baxaan goobaha ay hadda ku sugan yihiin, iyadoo walaac laga muujinayo dal-daloolooyin amni oo ay ka faa’ideysan karaan xoogagga Al-shabaab.
Xuseen Macalin Cali ayaa ka hadlay tabashooyinka shacabka ee la xiriira ka bixitaanka, isagoo ku nuux-nuux saday in dowladdu aysan fulin “qorshe indho la’aan ah” oo qaranka halis gelinaya. Taas beddelkeeda, wuxuu xaqiijiyey in beddelka ciidamada Itoobiya ay qayb ka tahay istiraatijiyad socda oo si wanaagsan looga fiirsaday.
“Dowladdu way ka war qabtaa su’aalaha ay dad badan qabaan ee ku saabsan khatarta ka dhalan karta haddii ciidamada Itoobiya ay baxaan, hase ahaatee ma wadno qorshe dalka khatar gelinaya, si rasmi ah waxaa goobaha ay ku sugan yihiin la geyn doonaa ciidamo kale oo Afrikaan ah. Ciidamada Itoobiya hadda way baxayaan,” ayuu yiri Macallin.
Go’aanka ah in ciidamada Itoobiya lagu bedelo ciidamo kale oo Afrikaan ah ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu ilaalinayo xasiloonida, loogana hortagayo in Al-Shabaab ay gacanta ku dhigaan deegaanadaas. Xuseen waxa uu carabka ku dhuftay in tallaabadani ay qayb ka tahay istaraatiijiyadda ballaaran ee lagu hagaajinayo laguna xoojinayo qaab-dhismeedka amniga Soomaaliya.
Waxaa si weyn looga hadlay mustaqbalka ATMIS iyo doorka ciidamada Itoobiya, gaar ahaan howlgallada ciidan iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo saaxiibada Afrika. Xuseen ayaa xaqiijiyay in howlahaasi ay yihiin kuwo la isku duway, islamarkaana ay qeyb ka yihiin qorshaha dowladda ee sugidda amniga dalka.
Waxa uu intaasi ku daray inay ka go’an tahay Dowladda Federalka inay ku guuleysato isbedel amni oo ay muujinayso sida ay uga go’an tahay ilaalinta Madax-bannaanida iyo Ammaanka Soomaaliya, iyadoo ay sii kordhayaan dhaq-dhaqaaqyada Ciiddamadda Gobalka.
HBN NEWS DESK