Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa magalaada Muqdisho ku dilay xildhibaan Ibraahim Cabdi Cabdiraxmaan hore, oo ka tirsanaa baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed.
Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed, C/casiis Lafta-gareen, ayaa cambaareeyay dilka Xildhibaanka oo maalmihii la soo dhaafay ganacsi ku lahaa Magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Laftagareen ayaa dilka Xildhibaan Ibraahim C/raxmaan ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab. Xildhibaanka geeriyooday ayaa sheegay in uu ka mid ahaa dadkii kaalinta weyn ka qaatay nabada, dowlad dhisidda, iyo dib u heshiisiinta deegaanada Koonfur Galbeed.
“Waxaan Allaah uga baryayaa inuu Jannatul Firdowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo,” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed, C/casiis Lafta-gareen.
Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka, balse Al-shabaab ayaa inta badan beegsata siyaasiyiinta Soomaaliyeed.
HBN NEWS DESK