Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa dil toogasho ah ku xukuntay xubin ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo lagu eedeeyay inu magaalada Muqdisho ku dilay Khadiijo Siyaad Maxamed.
Ibraahim Aadan Maadeey oo kooxda dhexdeeda looga yaqaanay C/raxmaan ayaa lagu helay dambi ah inuu Khadiijo ku dilay afaafka hore ee gurigeeda oo ku yaala degmada Hodan. Wararka ayaa sheegaya in Maadey uu Haweeneyda weydiistay biyo, markii gabadheeda ay u keentayna uu dhowr xabadood madaxa kaga dhuftay Maxamed.
Maadeey oo Al-Shabaab ka qaadan jiray mushaar dhan 70 ilaa 90$ ayaa ciidamada amaanka ay xireen wax yar kadib markii uu falka dhacay.
Xukunkan ayaa waxaa ku dhawaaqay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah garsooraha maxkamadda ciidamada qalabka sida.
HBN NEWS DESK