Faah faahino ka soo baxaya qarax miino oo ay ku dhinteen dad shacab ah kuwa kalana lagu dhaawacay gobolka Gedo ee maamulka Jubaland

Wararka ka imaanaya  gobolka Gedo ee maamulka Jubaland ayaa sheegaya in maanta qarax miino uu ka dhacay inta u dhexeysa degmooyinka Doolow iyo Beledxaawo ee gobolkaasi, isla markaana uu sababay khasaaro kala duwan.

Qaraxaan oo ah miinada dhulka lagu aaso ayaa haleelay gaari ay la socdeen dad shacab ah oo marayay deegaanka loo yaqaano Cinjirta, kaasoo keenay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.

Warbixinada hordhac ah ee aan helnay ayaa sheegaya in ay ku dhinteen ilaa 2 ruux oo kamid ahay dadkii saarnaa gaariga, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 4 ruux, iyada oo uu burburay gaarigii ay la socdeen, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ku sugnaa goobtaas.

Ciidamada amamanka ee ka dhawaa goobta ayaa si deg deg u gaaray goobta, waxayna sameeyeen baaritaano kooban, balse ma jirto illaa iyo hadda cid ay usoo qabteen falkaasi lagu tilmaamay mid naxadin leh.

Gedo ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro qaraxyo ah iyo kuwa dhabagal ah oo ay Al-Shabaab ka fuliyaan gobolkaas oo ay ka howlgalaan ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland kuwaas oo dagaal ba’an kula jira kooxda.

Al-Shabaab ayaa weeraro  qaraxyo ah ka geystay dhowr jeer gobolka Gedo oo ay ku dishay mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsanaa ciidamada ka howlgalka gobolkaasi ee hoostaga maamul goboleedka Jubbaland, kadib markii ay u dhigtay miinooyika lagu aaso dhulka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed