Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay shir madaxeedka bacriminta iyo caafimaadka ciidda Afrika magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, si dib u eegis ballaaran loogu sameeyo caafimaadka ciidda Afrika. Waxaa ku wehliyey Maxamed Cabdi Maareeye iyo mas’uuliyiin kale. Ujeedadu waa in dib u habayn lagu sameeyo xeeladaha lagu kordhinayo wax soo saarka ciidda iyo beeraha iyo horumarinta Afrika.
Shir-madaxeedkan ayaa ah hindise uu leeyahay Midowga Afrika, kaasoo ka socday magaalada Nairobi inta u dhaxaysa 7-9 May 2024, halku-dhiggiisuna waa “Dhegayso Dhulka”. Waxay doonaysaa inay dib u eegis ku sameyso horumarka la sameeyay tan iyo markii ay hore u ballanqaadeen madaxda Afrika si kor loogu qaado isticmaalka bacriminta ee koritaanka beeraha Afrika.
Kulanka labada wasiir ayaa waxaa ku wehlinayay safiirka dowladda federaalka Soomaaliya u fadhiya Midowga Afrika iyo Itoobiya C/llaahi Maxamed Warfaa, waxaana dowladda Soomaaliya ay soo bandhigtay guulaha ay ka gaartay dhanka horumarinta wax soo saarka beeraha iyo dalagyada beeraha.
Wafdigan ayaa qeyb ka ah wafdi ka kooban golaha wasiirada iyo xubno ka tirsan labada gole ee la socday Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kenya.
HBN NEWS DESK