Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Barre iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Jommo Kenyatta ku soo dhaweeyay dhiggiisa Kenya Musalia Mudavadi, wasiirka difaac Kenya Aadan Barre Ducaale, wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, xubno ka tirsan dowladda Kenya iyo Safiirka Soomaaliya ee kenya Jabriil Ibraahim Cabdulle.
Inta uu ku sugan yahay magaalada Nairobi ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa la kulmo madaxda ugu sareysa dalka oo uu kala hadlo xoojinta xiriirka labada dal ee deriska ah, iskaashiga iyo arrimo kale sida ay xaqiijiyeen diblomaasiyiin ku dhow dhow safarka.
Booqashadan ayaa kusoo aadeysa, xilli Kenya ay haatan qorsheyneyso inay heshiis cusub oo la xiriira qaadka la gasho dowladda federaalka Soomaaliya, si kor loogu qaado ganacsiga.
Soomaaliya iyo Kenya oo ah wadamo xuduud ah ayaa madaxdooda waxa ay diiradda saari doonaan arrimaha ammaanka, iyadoo Xukuumadda Nairobi ay xoojisay ammaanka xuduudka, si looga hortago weerarada dagaalyahanada Al shabaab.
HBN NEWS DESK