Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo xooggan oo ka dhan ah Al shabaab ka wada inta u dhaxeysa degmooyinka Luuq iyo Doolow ee gobolka Gedo ee maamulka Jubbaland, waxaana meelaha qaar la sheegay in uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay labada dhinac.
Taliyaha guutada 10-aad ee qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka G/sare Cismaan Niiniile ayaa tilmaamay in ciidamadu ay sii wadi doonaan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga, gaar ahaan isu socodka degmooyinka Luuq iyo Doolow.
Gaashaanle Cismaan ayaa tilmaamay in ciidamada dowladda ay ka go’an tahay in ay sii joogteeyaan howlgalkooda, maadaama ay ka hortagayaan in gaadiidka lagu gooyo wadooyinka muhiimka ah ee isku xira Luuq iyo Doolow ee Gobolka Gedo.
Gobolka Gedo, ayaa waxaa ku sugan askar badan oo ka tirsan Dowladda Federalka iyo kuwa dhawaan tababar loo soo xiray, kuwaasi oo ku sugan xeryo ciidan oo ku yaala Gobolka Gedo.
Maamulka Jubaland, muddooyinkii dambe waxaa ka socday howlgallo ka dhan ah maleeshiyaadka kooxda Al shabaab, iyada oo maamulkaas ay ku xooggan yihiin kooxda, taasoo weeraro gaadmo ah ku qaado ciidaamda ku sugan furimaha dagaalka.
HBN NEWS DESK