Qarax lagu diyaarinayay guri oo dilay nin looga shakisan yahay Shabab iyo laba caruur ah uu dhalay kaasoo oo ka dhacay Ceelasha-Biyaha

Wararkaka imaanaya deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho waxaa ka dhacay qarax lagu farsameynayay guri ku yaal halkaas kaasoo geystay khasaaro iskugu jiro dhiamshi iyo dhaawac.

Sida ay wararku xaqiijinayaan dhimashada qof la sheegay inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab oo ay la socdeen labo caruur ah oo uu dhalay. Ninka dhintay oo aan heybtiisa la shaacin ayaa la sheegay in uu watay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaasi oo uu la galay guri ay degan yihiin qoyskiisa oo ku yaala deegaanka Ceelasha-Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa la sheegay in uu sababay dhimashada ruuxa looga shakisan yahay in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab iyo labo caruur ah oo uu dhalay, halka xaaskiisa ay soo gaartay dhaawac culus oo hadda lagu dabiibayo.

Saraakiil ay ka mid yihiin Booliska ayaa xaqiijiyay dhacdadan, taasoo muujineysa khatarta shaqsiyaadka lala xiriirinayo kooxdan ee ku keydsada walxaha qarxa xaafadahooda. Isticmaalka walxaha qarxa ee ay adeegsadaan kooxahan ayaa walaac xoogan ku haya ciidamada ammaanka iyo dadka rayidka ah ee ku nool gobolada ay colaaduhu saameeyeen.

Dhacdadan naxdinta leh ayaa soo dedejisay in baaritaanno lagu sameeyo xaaladaha ku xeeran keydinta walxaha qarxa ee meelaha rayidka ah, iyadoo xoogga la saarayo muhiimadda ay bulshada u leedahay wacyigelinta iyo in la iska kaashado ka hortagga falalka argagixisada.

Maamulka deegaanka iyo ciidamada ammaanka ayaa shacabka ku booriyay inay feejignaadaan oo ay soo sheegaan wax kasta oo ay ka shakiyaan ama shaqsiyaadka khatarta ku ah amniga guud.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed