Roobab xooggan oo ka da’ay dalka Kenya ayaa sababay khasaaro xooggan iyadoo daadad culus ay weli sii wadaan burburinta hantidooda, roobabkaan ayaa wato dabeelyo taasoo sii kordhisay khasaaraha dalka.
Fatahaadaha ayaa sidoo kale waxa ay waxyeelo gaarsiiyeen wadooyinka iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Waxaa hakad ku yimid adeegyadii gaadiidka suuqyada iyo ganacsigii, waxana ugu daran suuqa Islii oo Soomaali badan ay ganacsi xooggan ku leeyihiin.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan 32 qof ay naftooda ku waayeen in ka badan 40,000 oo qofna lagu qasbay in ay guryahooda ka barakacaan roobabka iyo daadadka.
Edwin Sifuna, oo kormeera Ismaamulka Nairobi, ayaa soo bandhigay muuqaal muujinaya xaafad dhan oo daad qaaday, kuwaas oo qaar ka mida ay muujiyaan dadka oo ku goddoonsan saqafyada kore ee guryahooda.
Waaxda saadaasha hawada ee Kenya ayaa uga digtay dadka daggan dalkaas i ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah.
Ururka Laanqeyrta Cas ee Kenya iyo maamul goboleedyada gobolka ayaa qoysaskii ku barakacay fatahaadda ay siinayaan qalab caafimaad iyo dawooyin looga hortagayo cudurka ka dhasha biyaha.
HBN NEWS DESK