Wafdi culus oo ay hoggaaminayaan taliiyaasha Ciidanka xoogga  hay’adda NISA oo gaaray furimaha dagaalka ee gobolka Shabeelada Dhexe iyo ujeedka

Wafdi ayaa hoggaaminayo Taliiyaasha Ciidanka xoogga  hay’adda NISA ayaa tagaya gaaray jiidda hore ee dagaalka, gaar ahaan gudaha degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo ay kula kulmeen ciidamada ku sugan furimaha hore, isla markaana ay u jeediyeen hadalo xasaasi ah oo ku aaddan dagaalka Al shabaab.

Ujeedka taliyeyaasha ayaa ahaa sidii ay kormeeri lahaayeen xeryaha ciidamada, una ogaan lahaayeen xaaladda iyo dhaq-dhaqaaqyada ka jira halkaasi, loona sii wadi lahaa howlgallada ka dhank ah kooxda oo muddooyinkii dambe hakad gaaban uu ku yimid.

Sidoo kale Ujeedka taliyayaashan ayaa  waxaa kamid ah iney xoojiyaan nabadeyn maalmahanba ka socotay beelo walaala ah oo dagaallamay deegaano u dhexeeya degmooyinka Moqokori iyo Aadan Yabaal.

Aadan Yabaal ayaa kamid ah degmooyinkii ugu dambeeyay ee laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, kadib wajigii koowaad ee dagaalka Al-Shabaab ee ka dhacay HirShabelle.

Janaraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin Cadow iyo agaasimaha guud ee hay’adda NISA Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe)  ayaa waxaa booqashadan ku wehlinaya guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Xasan Cali Nuur (Shuute) iyo saraakiil kale oo ka tirsan mas’uuliyiinta dowladda oo halkaas ay kusoo dhaweeyeen dadka deegaanka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed