Markabkii ugu horeeyay ee dagaal oo uu Turkiga leeyahay soo gaaray magaalada Muqdisho

Markab laga leeyahay dalka Turkiga ooayaa maanta oo Talaado ah ku soo xirtay dekedda magaalada Muqdisho kadib markii ay Soomaaliya iyo Turkiga kala saxiixdeen heshiis dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah bishii February ee sanadkaan 2024-kii.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa  ay ka qeybgalaan munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay ee la socoto magaalada Muqdisaho, kaasoo lagu tilmaamay hishiis weyn oo taariikhi ah.

lagu xusayo tobankii sano e heshiiska iskaashiga dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ee Turkiga, bilowna u ah heshiiska 10-ka sano ah ee Saomaaliya.

Heshiiskan ayaa qeyb ka ah in Turkiga uu tababaro iyo taageero farsamo uu siiyo ciidamada badda Soomaaliya, si ay si hufan u ilaaliyaan xeebaha dalka iyo ilaalinta kheyraadka badda. Hindisahaan ayaa la filayaa in uu u abuuro fursado shaqo oo cusub oo ay helaan dadka Soomaaliyeed, isla markaana ka qeyb qaata horumarinta guud ee dhaqaalaha dalka.

Iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinaca amniga badda ayaa ah tallaabo muhim ah oo loo qaaday dhanka xaqiijinta xasilloonida iyo barwaaqada gobolka. Iskaashiga ayaa sidoo kale la filayaa inuu saameyn wanaagsan ku yeesho dagaalka caalamiga ah ee lagula jiro argagixisada iyo burcad badeedda, iyadoo labada dal ay iska kaashanayaan la dagaalanka caqabadahan Geeska Afrika.

Gabagabadii, imaatinka markabkii ugu horeeyay ee Turkiga ee Muqdisho soo gaaray iyo munaasabadan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa bog cusub u noqonaysa xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, oo bishii February la hadlay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ayaa sheegay in sida uu qabo heshiiska Turkiga uu ku dhisayo, tababaro iyo qalabeynta Ciidamada Badda Soomaaliya.

Waxa uu Turkiga ku tilmaamay walaal run ah oo la isku hallayn karo.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed