Itoobiya oo qaaadeysa tallaabo ay saldhig ciidan ugu sameeysaneyso Somaliland iyo dowladda Masar oo dajineysa Seddex qorshe oo looga hortagayo arrintaas

Warar soo baxaya ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay qorsheyneyso in saldhig ciidan ay ka sameysato, tallabadaan ayaa waxaa ku leg dowladaha reer galbeedka, sida uu qoray wargeyska Al-carabiya Al-Jadiid ee ka soo baxay boqortooyada Ingiriiska, kaasoo sheekadaan ku daabacay boggiisa.

Ilo-wareedyo dublamaasiyadeed iyo kuwo amni oo Masar ku sugan ayaa  xaqiijiyey in Masar ay si weyn ula socoto dhammaan dhaqdhaqaaqyada gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan xaaladda Soomaaliya iyo qorshaha Itoobiya ku doonayso inay saldhig ciidan ka samaysato Somaliland.

Sarkaal hore uga tirsanaan jiray ciidamada ammaanka Masar oo codsaday in magaciisa la qariyo, ayaa Al-carabiyaAl-Jadiid u sheegay, “Qaahira way la socotaa waxa ka socda Somaliland iyo dhaqdhaqaaqyada ay Itoobiya ka waddo  oo gacan ka helaysa Imaaraadku” Doorka dhexdhexaadinta ee arrintan”.

Saldhigga Itoobiya ay ka dooneysa  Somaliland ayaa walaac ku haya Masar
Najla Merhi oo ah Khabiir ku xeel dheer arrimaha Afrika oo arrimahaas ka hadlaysay, ayaa waraysi ay siisay Al-Caraby Al-Jadiid, waxa ay tiri, “ Joogitaanka Saldhigga ganacsi ee Itoobiya ama Saldhigga Millatari ee Itoobiya ku yeelato  Somaliland waxa ay ka dhigan tahay khataR quseysa Masar, Eritera, Soomaaliya, iyo Jabuuti, marka loo eego mowqifkooda  iyo isku dayga lagu wiiqayo ammaankeeda biyaha, waa qayb ka mid ah taageerada reer galbeedka “.

Masar waxay diyaar u tahay inay qaado tillaabooyin sharci iyo mid dublamaasiyadeed si looga hortago qorshe kasta oo wax u dhimaya ammaankeeda qaran ee gobolka Geeska Afrika.

Sidaa darteed Qaahira waxaa laga yaabaa inay Muqdisho ka caawiso saddex arrimood: Midda koowaad waa diblomaasiyadda, Labaad abaabulka Jaamacadda Carabta, iyo Seddaxaad adeegsiga saameynta ay ku leedahay Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, iyo caalamka iyo gobolka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed