Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo lagu wado in la soo gabagabeyo shaqadii diblomaasiyadeed ee dalka

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Catriona Laing ayaa lagu wadaa in la beddelo bisha soo socota, sida ay sheegayaan warar soo baxaya xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Sababaha ka dambeeya go’aankan ma cadda balse Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay ee António Guterres, ayaa soo magacaabi doona bedelkeeda, sida ay sheegeen ilo-wareedyo.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa 3-dii May 2023 ku dhawaaqay in Catriona Laing oo u dhalatay Boqortooyada Ingiriiska loo magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee cusub ee Soomaaliya iyo Madaxa Xafiiska Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM). Waxay beddeshay James Swan oo u dhashay dalka Maraykanka.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed