Dagaal culus oo ka soconaya aagga degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelada Hoose

Wararka ka imaanaya degmada Qoryooleeyvee gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in halkaas uu ka qarxay dagaal beeleedyo u dhaxeeya labo meleeshiyaad ee ka soo jeedo deegaanno ku dhaw magaaladaas.

Dagaalkaan ayaa wuxuu hadda ka socdaa xaafada Buulo Siidow iyadoo dagaalkan uu saameeyay dhaq dhaqaaqii iyo isu socodka magaalada.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya un labada garab ee hubeysan ay isku adeegsadeen rasaas cululus isla markaana ay dareemayaa cabsi xooggan oo ku aaddan waxyeelo ka soo gaarto dagaalkaan.

Ilaa hadda lama soo warin wax khasaaro ah, sababo la xiriiro in dagaalku wili uu socdo, oo ay adag  tahay in la ogaado khasaaraha rasmiga ah.

Wixii soo kordho halkaan kala soco.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed