Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo Qaramada Midoobay ayaa waxaa ka go’an sidii nabad waarta loogu soo dabaali lahaa dalka.
Farriimo kala duwan oo laga soo saaray magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya inta lagu guda jiro munaasabadda Ciidul-fidriga oo ku beegan dhamaadka bisha barakeysan ee Ramadaan, ayaa labada wafdi waxay sheegeen inay si dhow ula shaqeyn doonaan Soomaaliya si loo gaaro guul, xilliga kala guurka ee hadda lagu jiro, habka, kaas oo horseedi doona in si buuxda mas’uuliyadaha amniga loogu wareejiyo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya dhammaadka bisha December.
Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing ayaa mar kale xaqiijisay inay sii wadi doonto taageerada ay siiso dowladda iyo saaxiibada si kor loogu qaado nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya oo dhan.
Sannadkii 2023-kii, ATMIS waxay bilowday inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, iyadoo la raacayo Qaraarka Golaha Ammaanka.
ATMIS ayaa soo gabagabeysay wajigii koowaad iyo labaad ee ka bixitaanka 5,000 oo askari, waxaana Soomaaliya lagu wareejiyay 13 saldhig oo ciidan. 4,000 oo askari oo dheeri ah ayaa la filayaa inay dalka ka baxaan dhamaadka bisha June.
HBN NEWS DESK