Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Safiirka Turkiga oo ka wada hadlay xiriirka labada dal & cambaareynta dilka loo geystay Samafale Turki ah

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta oo Sabti ah xafiiskiisa kula kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktas. Ra’iisul Wasaare Barre iyo Danjire Alper Aktas ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Waxa ay cambaareeyeen qaraxii dhawaan ka dhacay wadada dhinaceeda ee lagu dilay muwaadin u dhashay dalka Turkiga oo lagu magacaabi jiray Cabduraxiim Yoruk, xilli uu howlo samafal ah ka waday agagaarka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Barre ayaa ka tacsiyeeyay, halka Danjire Aktaş uu xaqiijiyay in Soomaaliya ay sii wadi doonto taageerada ay siiso, . Diyaaradii siday Meydka York ayaa Jimcihii ka duushay Garoonka Aadan Cadde, iyadoo ku sii jeeday dalka Turkiga.

Intii lagu guda jiray wareejinta meydka marxuumka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho, Alper Aktas, wakiilo ka socday Hay’adaha Turkiga u jooga Soomaaliya, qaar ka mid ah Wasiirada Soomaaliya, Xildhibaano, iyo masuuliyiin kale oo Soomaaliyeed.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed