Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah ansixiyay wax ka bedelka 4-ta cutub ee ugu horreeya dastuurka KMG ah ee dalka, kaddib dhowr toddobaad oo doodo kulul ay ka yeesheen baarlamaanka.
Mudanayaasha ayaa afarta cutub mid mid ugu codeeyay ka hor inta aysan u codeyn wax ka bedelka guud ee dastuurka oo ay soo jeediyeen guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka.
Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka ayaa sheegay in saddex qodob oo ka mid ah qabyo qoraalka loo diri doono baaritaan dheeri ah.
Guddoomiyaha Aqalka Hoose, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa ku dhawaaqay in 212 Xildhibaan oo Aqalka Hoose ah iyo 42 xubnood oo Aqalka Sare ah ay u codeeyeen in wax laga bedelo Dastuurka. Ma jirin xildhibaan ka aamusay ama ka soo horjeestay in wax laga beddelo.
Mid ka mid ah qodobada qabyo qoraalka ah ee la ansixiyay ayaa lagu sheegay in dalka uu yeelanayo Madaxweyne iyo Ra’iisul Wasaare, iyadoo Madaxweynaha uu awood u leeyahay magacaabista iyo xil ka qaadista Ra’iisul Wasaaraha.
Horey ayuu Dastuurku waxaa ugu qornaa in Madaxweynaha uu soo magacaabi doono Ra’iisul Wasaaraha, kadibna Baarlamaanka looga baahan yahay inay codka kalsoonida siiyaan. Sidoo kale, Baarlamaanka ayaa xilka ka qaadi kara Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo codka kalsoonida loo qaadayo.
Qodobo kale ayaa dhigaya in hay’adaha dastuuriga ah ee dowladda ay xilka hayaan muddo shan sano ah, iyagoo tilmaamaya madaxweynayaasha dowlad goboleedyada inay yihiin hoggaamiyeyaal iyo in dalka laga dhiso saddex xisbi siyaasadeed.
Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxda Maamul-goboleedka Puntland ayaa ka soo horjeestay in wax laga beddelo Dastuurka, iyagoo sabab uga dhigaya in dhinacyada siyaasadda aysan isku raacsaneyn isla markaana dhowr jeer soo saaray digniinino adag.
Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya ee 2012 ayaa dib u eegis lagu sameynayaa muddo toban sano ku dhow, balse dadaallada lagu doonayo in lagu dhameystiro dib u eegista ayaa soo socday tan iyo dabayaaqadii 2023. Bishii Febraayo, guddiga madaxa bannaan ee dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka ayaa baarlamaanka u diray soo jeedin wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka KMG ah ee afarta cutub ee ugu horreeya, oo ay ku jiraan maqaalo ku saabsan da’da qaan-gaarnimada iyo dembi ka dhigista gudniinka fircooniga ah.
24-kii Janaayo, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa fadhi wadajir ah oo ay yeesheen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ku ansixiyay ‘Habka Ansixinta Wax ka beddelka Dastuurka’.
HBN NEWS DESK