Dab khasaare geystay ayaa ka kacay suuq ku yaalla magaalada Jigjiga, kaasoo geystay khasaare baaxad leh, isla markaana baabo’iyay hanti badan . Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegaya in dabku uu ka kacay afaafka hore hotel ku yaallay meesha, waxaana ku teedsanaa goobo ganacsi kuwaas ku yaallay dhinacyada waddada.
Dad goob joogayaal ah ayaa ku tilmaamay in dabku uu si degdeg ah u fiday, islamarkaana gaaray xaafadaha dariska ah, toosoo dadka ku qasbay in ay isaga cararaan guryahooda. Inkastoo ay sameeyeen dadaalo badan ciidanka dabdemiska deegaanka ayaa hadana waxa ay qaadatay waqti dheer in la xakameeyo dabka.
Qiimeyn horudhac ah oo la sameeyay ayaa lagu sheegay in laga yaabo in dabka uu ka dhashay cilad koronto, inkastoo ay socdaan baaritaano lagu ogaanayo sababta dhabta ah. Dhacdadan ayaa noqonaysa tii labaad ee bisha barakeysan ee Ramadaan ka dhacda magaalada Jigjiga, taasoo sii kordhisay walaaca laga qabo amniga iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee deegaanka.
Khasaaraha ka dhashay dabkan ayaa ahaa mid aad u badan, iyadoo goobo ganacsi iyo guryo badan ay noqdeen kuwa bas beelay. Xusuusta dabkii hore ee suuqa weyn ee ka kacay sanad ka hor, ayaa wali sii socda, taasoo muujineysa saameynta joogtada ah ee musiibadaan oo kale ay ku yeelatay magaalada iyo dadka degan.
Iyadoo mas’uuliyiintu ay ka shaqeynayaan inay qiimeeyaan inta uu le’eg yahay khasaaraha, haddana majiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca dawladda oo ku saabsan dabkan, balse dadka deegaanka ayaa la tacaalaya dhibaatada iyo hubanti la’aanta ku xeeran mustaqbalkooda.
HBN NEWS DESK