Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa Sabtidii xilka ka qaaday guddoomiyihii gobolka Hiiraan, Cabdillaahi Maalin Sufurow, oo xilkan hayay tan iyo bishii June ee sannadkii hore, 2023.
Muuse Salaad Weheliye ayaa loo magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka, inkastoo dowlad goboleedka Hirshabeelle aysan sheegin sababta xilka looga qaaday Sufurow.
Sufurow ayaan si rasmi ah dib ugu bilaabin xafiiska kadib markii uu diiday in xilkaas loo magacaabo Cali Jeyte Cismaan oo isaga ka horeeyay.
Labo todobaad ka hor ayay aheyd markii ciidamo deegaanka ah oo taabacsan maamulka dhawaan la dhisay ee Hiiraan State ay magaalada Beledweyne ka saareen guddoomiyihii gobolka C/llaahi Maalin Sufurow iyo ilaaladiisii, kaddib dagaal ka dhacay magaalada oo ay ku dhinteen lix qof.
Guddoomiye Sufurow ayaa tan iyo markii uu dagaalku dhacay ku howlanaa deegaanka Ceel-jaalle, kaddib markii wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle C/raxmaan Daahir Guure uu xaqiijiyay in guddoomiyaha iyo ilaaladiisa ay u rareen deegaanka Ceel-jaalle si aysan u dhicin dagaal kale. Maamulka Hirshabeelle iyo Mas’uuliyiinta Gobolka Hiiraan ayaa ku kala gadaman eeda iska hor imaadka khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay magaalada Beledweyne.
Si kastaba ha ahaatee, ma cadda sida uu guddoomiyaha cusub ugu shaqeyn karo magaalada Beledweyne, maadaama maamulka Hiiraan State oo ka soo horjeeda maamulka Hirshabeelle uu ka taliyo magaalada.
HBN NEWS DESK