Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland Puntland, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo ma’suulyiin ka tirsan maamulkiisa.
Madaxweynaha Puntland iyo Farmaajo ayaa yeelan doona kulamo kala duwan inta uu joogo maamulkaas, iyaga oo diirada saaraya arrimaha siyasaadeed oo ku aaddan khilaafka ka taagan arrimaha wax ka beddelka dastuurka Soomaaliya.
Deni iyo Farmaajo ayaa si weyn iskaga soo horjeeday arrimaha siyaasada markii uu xilka hayay, haatan waxay isku aragti ka yihiin siyaasadda Soomaaliya, iyagoo si aad ah ugasoo horjeeda qorshaha dowladdu ku doonayso inay wax uga beddesho dastuurka dalka.
Xilligaas, Deni ayaa Farmaajo ku dhaliilay inuu isku dayayay inuu dalka ka hirgeliyo nidaam doorasho oo aan macquul ahayn. Deni ayaa ku taageeray Xasan Sheekh wareegii labaad ee doorashada 2022, taasoo keentay in Xasan Sheekh uu ka guuleysto Farmaajo.
Warar madax bannaan ayaa sheegaya in siyaasiyiin diidan arrimaha dastuurka ay tagi doonaan, si ay ugu biiraan kulamo siyaasadeed ee Garowe, siyaasyiintaan ayaa waxaa kamid ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheikh Axmed sida HBN TV ay u sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.
Madaxdii hore iyo siyaasiinta ayaa Madaxweyne Xasan Sheikh ku eedeeyay inuu doonayo inuu beddelo dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya, isla markaana uu ujeeddooyin siyaasadeed uu ka leeyahay.
HBN NEWS DESK