Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ee ku sugan gobolada dhexe ayaa shaaca ka qaaday inay qorsheynayaan weeraro rogaal celis ah ay ku qaadaan deegaano dhowr ah oo ay ku sugan yihhin Al-Shabaab. Deegaannadaas oo horay looga saaray kooxda ayey banneeyeen ciidamada isku dhafka ah, kuwaas oo si fudud markale Shabaab ay qabsadeen.
Taliyaha qeybta 3-aad ee guutada Gorgor Cali Axmed oo ka tirsan cutubyo uu tababaray dalka Turkiga ayaa uga digay shacabka ku nool deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab in ay ka fogaadaan oo aysan u dhawaan xarumaha iyo saldhigyada ay ku sugan yihiin.
Waxa uu ka digay in laga fogaado waxyeelada dammaanad qaadka ah maadaama weerarka soo socda uu ku lug yeelan karo duqeymo dhanka cirka ah oo ay geysanayaan xulafada shisheeye ee XDS oo ay ku jiraan ciidamada Mareykanka, sida laga ilo kala duwan.
Todobaadki hore ayay aheyd markii ciidamada XDS ay si lama filaan ah uga baxeen deegaano muhiim ah oo ku yaala koonfurta gobolka Mudug ee maamulka Galmudug sida Caad, Camaara iyo Shabeelo oo tan iyo markii ay la wareegeen Al-Shabaab.
Ka bixitaanka Ciidamada Dowladda ee Degaanada Istiraatiijiga ah ee Gobolka Mudug ayaa waxa ay muujineysaa walaaca laga qabo in Al-Shabaab in ay fuliyeen weeraro gaadmo ah.
Duulaanka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay bilowday dowladda Soomaaliya bishii August ee sanadkii 2022 ayaa ujeedkiisu ahaa sidii dib loogu soo celin lahaa deegaannada ka maqan gaacnta dowladda, gaar ahaan gobolada dhexe sida Hirshabeelle iyo Galmudug.
Digniintaan ayaa imaaneyso xilli maalin ka hor in ka badan 20 ruux ay ku dhinteen duqeymo la sheegay in ay fuliyeen ciidamada Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Shisheeye, isla markaana dowladdu sheegtay in ay beegsatay maleeshiyaadka ka tirsan kooxda Al Shabaab.
HBN NEWS DESK