Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, Cadiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka soo socda, waxaanay si gaar ah diiradda u saareen sidii loo heli lahaa tartan nabadeed, isla markaana loo difaaci lahaa jiritaanka maamulka Somaliland.
Madaxweynihii hore ee Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin, ayaa soo qaban-qaabiyay kulanka , waxa kale oo uu kaga hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya xisbiga mucaaridka ah ee Waddani iyo Madaxweyne Biixi oo sidoo kale hoggaamiya xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxtooyada, labada dhinacba waxay ku heshiiyeen inay u midoobaan khataraha ku wajahan Somaliland, iyagoo ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay leedahay in ololaha doorashada si nabad ah loo qabto, isla markaana la aqbalo natiijada doorashada. Waxa kale oo ay go’aansadeen in saddexda maalmood ee soo socda la qabto shirar kale oo lagaga tashanayo qodobbadaas hirgelinta.
Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu si weyn ugu mahad-naqay Madaxweynihii hore ee Daahir Rayaale Kaahin oo fududeeyey kulanka iyo horumarinta danaha guud ee Somaliland.
Laba toddobaad ka hor kulanka, Madaxweyne Biixi waxa uu saxeexay laba xeer oo wax ka bedel lagu sameeyay oo kala ah Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha iyo Codbixiyayaash, iyo Xeer Nidaamiyaha Ururada iyo Axsaabta siyaasadda. Guddoomiyaha komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland, ayaa intaas kadib warbaahinta gudaha u sheegay inay si buuxda ugu diyaar garoobeen qabsoomida doorashada labada doorasho ee muddaysan 13 November 2024.
HBN NEWS DESK