War cusub oo ka soo baxay 21 ruux oo rayid ah oo ku dhintay duqeyn ka dhacday gobolka Shabeelada Hoose isla markaana ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 20 kale

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya 21 qof oo rayid ah oo ku dhintay & 19 qof oo ku dhaawacmay duqeyntaan, xagga cirka ah oo ay fuliyeen diyaadaraha shisheeye ee taageeraya ciidamada Dawlada Soomaaliya, duqeynta oo ka dhacday deegaanka Baqdaad ee gobolka Shabeelada hoose.

Dadka geeriyooday iyo kuwa dhaawacmay ayaa iskugu jiro jiro carruur, haween iyo dad waayeel ah. Dadka lagu dilay duqayntan ayaa u badan dad isku qoys ah oo aan wax lug ah ku lahayn kooxda Alshabaab, sida ay ay sheegeen qaar kamid ah ehellada oo la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale Dhaawacyada dadkan ayaa lasoo gaarsiiyay magaalada Muqdisho, gaar ahaan isbitaalka Madiino, waxana halkaas la keenay dad qaba dhaawacyo culus iyo kuwa fudud, qaar kamid ah ehelada dadkaas ayaa si qiiro leh u sheegay in wax gurmad ah aysan helin, isla markaana dadku ay u dhinteen dhiig bax. Dowladda ayey ka dalbadaeen in ay si toos ah baaritaan loogu sameeyo dadka aanan waxbo galabsan ee la laayay.

Goor sii horeysay Dawlada Soomaaliya ayaa sheegtay in duqeynta ka dhacday deegaankaasi in lagu bartilmaamaystay maleeshiyaadka Al Shabaab isla markaana la dilay 30 xubnood oo kooxda ka mid ah.

Warbaahinta Dawlada oo soo xiganayasay masuuliyiin dhanka ammaanka ayaa tabisay in hawlgalkan uu ka dambeeyay ka dib markii ciidanka dowladda ay heleen xogta maleeshiyaad Al shabaab oo isku aruursanayay deegaannadaas kuwaasi oo waday abaabul ka dhan ah ciidamada dowladda ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka.

Ma ahan markii ugu horreysay ee duqeymaha ay fuliyaan dalalka taageera Soomaaliya ay ku dilaan dad shacab ah oo aanan waxbo galabsan, dhowr jeer oo hore sidaan oo kale ay dhacday.

Illaa hadda majiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ay kaga jawaabeen dadkaan lagu dilay duqeymaha.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed