Dowladda Soomaaliya oo ka qeyb gashay shir looga cafiyay deyn lacageed oo cusub

Soomaaliya ayaa waxay heshiis deyn cafis ah la gashay dalalka xubnaha ka ah Naadiga Paris, kaasoo ka dhigan tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka soo kabashada dhaqaalaha iyo xasilloonida dalka. Heshiiskan oo maanta lagu saxiixay magaalada Paris ayaa si dhab ah Soomaaliya looga cafiyay 1.2 bilyan oo deymo ah.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya  Biixi Iimaan Cige oo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Paris kulan muhiim ah kula yeeshay wakiillo ka socday dalalka xubnaha ka ah Naadiga Paris. Heshiiskan ayaa soo afjaraya go’aankii ka soo baxay kalfadhiga 2020-ka ee Paris Club, kaasoo sheegayay in deymaha lagu leeyahay Soomaaliya laga cafinayo.

Wasiir Biixi ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay natiijada ka soo baxday wada xaajoodka, isagoo tilmaamay inay suurtogal tahay in dalalka ku bahoobay Paris Club ay Soomaaliya ka cafiyaan deymaha lagu leeyahay. Munaasabada heshiiska lagu saxiixayay ayaa waxaa goob joog ka ahaa wakiilo ka kala socday toban wadan oo xubnaha ka ah Naadiga Paris oo mid walba uu Soomaaliya ku leeyahay deymo badan.

Heshiiska deyn cafinta ayaa muhiimad weyn u leh dadaallada dib u soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya, iyadoo dowladda loo fidinaayo kaalmo dhaqaale oo ay u baahan tahay, isla markaana u gogol xaaraya maalgashi iyo horumar. Wasiirka ayaa sheegay in “dhaqaalihii loo qoondayn lahaa dib u bixinta deynta haatan lagu wareejin karo qaybaha muhiimka ah sida daryeelka caafimaadka, waxbarashada, iyo kaabayaasha dhaqaalaha”.

Dhammaystirka heshiiskan oo si guul ah u soo dhammaaday ayaa hoosta ka xarriiqaya sida ay beesha caalamku uga go’an tahay inay taageerto safarka Soomaaliya ee dhinaca hormarka dhaqaalaha iyo xasilloonida.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed