Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay dagaal socday muddo lix saacadood ah oo u dhaxeeyay ciidamada maamulka Hirshabeelle iyo kuwa maamulka Hiiraan ee aanan heysan aqoonsiga. Xiisadan ayaa ka dhalatay kadib markii ciidamada Hirshabeelle ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidamada maamulka Hiiraan ku leeyihiin xerada Lamagalay.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo ahaa mid xooggan uu sababay dhimashada ku dhawaad 6-ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah iyo dad rayid ah oo ay si xun u haleeshay rasaas nool, xilli ay guryahooda ugu taktay. Colaadan oo si teel teel ah u dhacaysay ilaa xalay oo dhan.
Inta uu socday iska horimaadka ayaa ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka gobolka Hiiraan waxa ay la wareegeen xarumaha maamulka gobolka iyo degmada Baledweyne. Dhinaca kale ciidamada maamulka Hirshabeelle ayaa xoojiyay fariisimaha ay ku leeyihiin saldhiga degmada Baledweyne iyo nawaaxigeeda, waxaana taasi ay keentay in xiisada ay sii kororto, isla markaana ay sii kordhiso qalalaasaha amni ee ka jira gobolka.
Colaadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo ciidamada nabad ilaalinta Jabuuti ay labo maalmood ka hor isaga baxeen xarumaha maamulka gobolka iyo degmada. Iyadoo labada dhinac ay ku dadaalayaan sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen goobihii istiraatiijiga ahaa ee ay faarujiyeen ciidamadi ATMIS ee Jabuut, ayaa haddana xaaladdu weli tahay mid aan la hubin.
Khilaafka u dhaxeeya ciidamada maamulka gobolka Hiiraan ee taabacsan Cali Jeyte iyo ciidamada maamulka Hirshabeelle ayaa muujinaya kala qeybsanaan iyo xiisado siyaasadeed oo weli ka taagan gobolka.
Iyadoo ay socdaan dadaallo lagu doonayo in xaaladda lagu dejiyo, ayaa waxaa sii kordhaya walaaca laga qabo saameynta bini’aadinimo ee colaadaha ay ku yeesheen dadka rayidka ah ee aanan waxbo galabsan ee lagu dul-dagaallamay.
Ka bixitaanka ciidamada Jabuuti ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa sii xumeeyay xaaladda amni ee bartamaha gobolka Hiiraan, iyadoo dadka deegaanka ay u nugul yihiin colaado hubeysan iyo barakac. Haddii aan xal degdeg ah la helin, baahida loo qabo in la sameeyo dadaallo wadajir ah oo lagu wajaho sababaha keenay khilaafka iyo fududeynta wadahadal macno leh oo dhexmara dhinacyada dagaallamaya.
HBN NEWS DESK