Dowladda Soomaaliya oo gacanta ku dhigtay ku dhawaad 10 Kunteennar oo waday Bur dhacay isla markaana sheegtay dalka laga keenay iyo tallaaabada ay ka qaadayaan

Hay’adda tayodhowrka ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo bandhigtay ilaa 7 kunteennar kuwaas oo siday Bur dhacay, isla markaana la doonayay in la iib geeyo suuqyada Soomaaliya, gaar ahaan kuwa magaalada Muqdisho ee caasimadda.

Hay’adda oo faah faahin ka bixisay  burkaan dhacay ee lagu qabtay dekadda magaalada Muqdisho, ayey ku sheegtay in laga keenay dalka Turkiga, kaasoo ganacsato Soomaaliyeed ay ay doonayeen in dadka ka iibiyaan.

Agaasimaha kormeerka badeecadaha ee hay’adda tayadhowrka, Maxamuud Cilmi Fiidshe ayaa sheegay in ay ka joojiyeen in burkaasi dhacay inuu suuqyada galo, waxaa uu ka dhawaajiyay in a ay ka gudan doonaan masuuliyaddooda. wuxuu uga digay ganacsatada Soomaaliyeed inay ka digtoonaadaan inay badeecado dhacay dalka usoo iib geeyaan.

Agaasimaha ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in dhibaatooyinka caafimaad ee dalka ka jira oo uu Kansarka kamid yahay, inay ka dhasheen cuntooyinka, dawooyinka iyo alaabaha dhacay ee dad ganacsato ahi ay dalka soo galiyaan.

Si kastaba, ganacsatada Soomaaliyeed ayaa lagu eedeeyaa in ay dalka keenaan raashin dhacay iyo daawooyin, kuwaasoo qiimo jaban ku soo iibsada kaddibna ay ku qoraan taariikho been abuur ah oo aanan sax aheyn, si looga iibiyo dadka, waxana ka dhashay cuduro kala duwan oo saameeyn ku yeesha nolosha dadka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed