Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA), ayaa waxay gacanta ku soo dhigtay Gudoomiyihii hore ee Degmada Dharkeenlay, Abuukar Axmed Caddow Tifoow, oo lagu eedeeyay inuu ka tirsan yahay Ururka Al Shabaab.
Sida ay sheegtay Hay’adda Nabadsugida, Abuukar Axmed Caddow Tifoow ayaa la sheegay in uu kooxda ku biiray intii u dhaxeysay 2013 ilaa 2014, waxaana uu tababar dhanka sirdoonka ah kusoo qaatay magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose. Waxa la sheegay in uu xogta dawladda u gudbiyay kooxdaas isaga oo gacan ka siinaya qorshahooda.
Tifoow ayaa sanadihii 2015 ilaa 2019 ka soo noqday guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda degmada Wadajir, waxaana 2019 ilaa 2020 uu soo noqday guddoomiyaha degmada Dharkeynley.
Hay’adda ayaa sheegtay in muddo ay ku raad-joogeen, ugu dambeyntiina ay 4-tii March 2024-ka ka qabteen Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, markii uu ka soo laabtay dalka Kenya.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, arrintan ayaa kusoo beegmaysa todobaad kaddib markii dowladda Soomaaliya ay la wareegtay lacag dhan 7-milyan oo doollarka Mareykanka ah, iyadoo xirtay 670 lambar oo taleefan ah, iyadoo la xiray 110-koonno ganacsi oo la sheegay inay ku xirnaayeen shabakado argagaxiso.
Shabakadaha argagixisada ayaa la sheegay in ay lambaradan iyo xisaabaadka u adeegsan jireen in ay soo saaraan hanjabaado, lacago baad ah, iyo in ay dhaq-dhaqaaqyo maaliyadeed la sameeyaan ganacsatada Soomaaliyeed, ayay warbixintu raacisay.
HBN NEWS DESK