Hey’adda WFP sheegtay in 6.9 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar Soomaaliya sanadka 2024-ka

Qiyaastii 6.9 milyan oo Soomaali ah ayaa la filayaa inay u baahan yihiin gargaar bini’aadannimo iyo in la badbaadiyo naftooda sanadkaan 2024-ka, sida ay  sheegtay hay’adda cunnada adduunka ee WFP.

Daadad ka dhashay El Nino, oo soo maray Oktoobar 2023, oo ay weheliyaan saamaynta abaarta, colaadaha daba dheeraaday, iyo qiimaha cuntada oo sarreeya ayaa weli sii hurinaya cunto yarida daran ee Soomaaliya, ayay tiri WFP.

“Heerka nafaqo-xumada sare ayaa weli ka jirta Soomaaliya iyada oo 1.7 milyan oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay shan sano la filayo inay la ildaran yihiin nafaqo-xumo ba’an sanadka 2024, oo ay ku jiraan 430,000 oo carruur ah ayaa laga yaabaa inay soo wajahdo nafaqo-xumo aad u daran oo nafta halis gelinaysa – taas oo loo aaneynayo culeyska cudurrada oo sarreeya iyo helitaanka caafimaad oo liita.” WFP ayaa ku sheegtay warbixintii ugu dambeysay ee ay ka soo saartay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya”.

Hay’adda cunnada ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay u baahan tahay lacag dhan 342.2 milyan oo doolar oo loogu talagalay dhammaan hawlgallada lixda bilood ee soo socota si kor loogu qaado wax ka qabashada bini’aadantinimada Soomaaliya.

Roobabkii dayrta ee bilihii Oktoobar-December 2023 oo sababay fatahaado xooggan ayaa goor hore dhammaaday, hase yeeshee saameynta fatahaadaha ayaa ahaa mid aad u ballaaran, waxaana saameeyay 2.4 milyan oo qof, 1 milyan oo qof ayaa ku barakacay, waxaana gabi ahaanba gabaabsi noqday dalagyadii ka soo go’ay webiyada Jubba iyo Shabeelle. , sida ay sheegtay WFP.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed