Madaxweynayaashii hore e Soomaaliya oo kulan ay kaga soo horjeedaan wax ka beddelka dastuurka ku yeeshay Muqdisho

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay isku raacaan wax ka bedelka dastuurka, kulan ay xalay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Labada madaxweyne ee hore ayaa ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeda dadaallada ay dowladdu ku dooneyso in wax looga bedelo dastuurka dalka.

Farmaajo iyo Shariif ayaa lagu soo waramayaa in ay qaban qaabinayaan kulan ballaaran oo ay isugu imaanayaan siyaasiyiin iyo bulshada rayidka ah, si ay uga hadlaan tabashooyinka ku saabsan dastuurka dalka iyo baaq ay u jeedinayaan dowladda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay dhameystirka dastuurka bisha Janaayo ee sanadkan, isagoo caddeeyay in dalka uu horumar ku socdo. Xasan ayaa ku adkeysanaya in tallaabo kasta oo lagu bedelayo dastuurka ay dhaqan geli doonto doorashada soo socota ka dib.

Si kastaba ha ahaatee, Todobaadki hore ayey aheyd markii Xildhibaanada Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ee dalka ay bilaabeen ka doodista cutubka labaad ee Dastuurka, iyadoo diirada lagu saaray qodobada 10-20. Doodan xasaasiga ah waxay saamaysaa xuquuqda iyo waajibaadka muwaadiniinta.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed