Guddiga gaadiidka, duulista, iyo howlaha guud ee baarlamaanka ayaa maanta booqasho ku tagay xarunta Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, maalmo un kadib markii Qatar Airways iyo Ethiopian Airlines ay si dirqi ah uga badbaadeen in hawada Soomaaliya ay isku dhacaan.
Guddidan oo ay horkacayeen Xildhibaan Cabdillaahi Geel-Qaad iyo ku xigeenkiisa Xildhibaan Maxamuud Axmed Baafo, ayaa waxay kulan la yeesheen Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Xildhibaan Fardowsa Cismaan Cigaal, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Duulista Hawada, Xildhibaan Cabdi Xaydar iyo Maareeyaha Hay’adda SCAA Axmed Macallin.
Guddiga ayaa ka hadlay xaaladda badqabka duulista hawada Soomaaliya iyo caqabadaha hortaagan maamulka hawada dalka. Waxa ay sidoo kale sahmiyeen sidii kor loogu qaadi lahaa ammaanka iyo badqabka diyaaradaha isticmaala marinada hawada Soomaaliya.
Gudiga ayaa intii ay ku guda jireen kormeerka shaqo waxa ay ku soo mareen xafiisyada iyo xarumaha kala duwan ee ay ka kooban tahay hay’ada SCAA, waxayna xogwaraysi la yeesheen hawl wadeenada hay’adaha kala duwan ee ku hawlan hawlaha shaqo iyo caqabadaha ay la kulmeen.
Toddobaadkii hore, 24-kii Febraayo, waxaa si dirqi ah looga badbaadiyay isku dhac hawada Soomaaliya ka dhacay oo u dhaxeeyay diyaaradda Qatar Airways Boeing 787-8 (A7-BCN) iyo Ethiopian Airlines Airbus A350-900 (ET-ATY). Duulimaadka Qatar Airways ee QR1383, oo ka soo duushay Doha kuna socotay Entebbe (EBB), iyo Duulimaadka Ethiopian Airlines ET602, oo ka soo duushay Addis Ababa (ABB) kuna socotay Dubai (DXB), waxay amarro is khilaafsan ka heshay shaqaalaha hagista hawada ee Muqdisho. Nasiib wanaag, labada duullimaadba waxay si nabad ah ugu soo degeen goobihii ay u socdeen, iyadoo QR1383 ay ku soo degtay garoonka Entebbe 11:58 UTC iyo ET602 waxay ku yimaadeen Dubai 12:05 UTC.
HBN NEWS DESK