Madaxweyne Xasan Sheekh oo magaalada Nairobi kulamo diblomaasiyadeed oo heerkoodu sareeyo kula yeeshay madax kala duwan

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isla markaana ka qeyb galaya shirka shirka Qaramada Midoobay ee arrimaha deegaanka, ayaa kulan muhiim ah la yeeshya dhiggiisa dalkaas, kuwaas oo ka wada hadlay arrimi kala duwan oo khuseya lavada dal.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga dhow ee dhinacyo badan leh oo ay ka mid yihiin horumarinta xiriirka dhaqaale iyo amni ee labada dal si ay uga faa’ideystaan ​​labada shacab ee Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marka laga soo tago kulanka uu la qaatay Madaxweyne Ruto waxa uu kulamo la qaatay dhiggiisa dalka Jabuuti, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Wada-hadallada ayaa ku saabsanaa iskaashiga Soomaaliya iyo Jabuuti, gaar ahaan wax ka qabashada caqabadaha la wadaago ee la xiriira amniga iyo xasilloonida gobolka. Kulanka ayaa lagu xaqiijiyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga labada dal ee horumarinta nabadda iyo amniga gobolka.

 

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed