Maxuu yahay ninka caanka ka ah dalka Guinea ee loo magaacaabay ra’iisul wasaare kaasoo ay hortaal shaqo adag

Dowladda ku meel gaarka ah ee Guinea ayaa hogaamiyaha mucaaradka Mamadou Oury Bah u magacawday doorka ra’iisul wasaaraha, sida lagu sheegay wareegto laga akhriyay telefishinka qaranka Talaadadii.

Ruug-cadaaga siyaasadeed ayaa wajahaya shaqo adag oo ah in uu soo dhiso dowlad iyada oo ay jirto shaqo joojin guud oo aan la cayimin oo billowday toddobaadkan taasoo ka dhalatay dhibaatooyin dhaqaale oo qoto dheer iyo siyaasadaha caburinta ah ee maamulkii militariga lagu eedeeyay.

Muuqaalo laga sii daayay Telefishinada ayaa muujinayay Bah oo xilka ku hor dhaarinaya Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Mamady Doumbouya, oo ahaa madaxii ciidamada gaarka ah ee xilka kaga tuuray Madaxweynihii hore Alpha Conde afgambi sanadka 2021-ka.

Bah, oo inta badan loo yaqaan Bah Oury, waxa ay caan ka ahaa masraxa siyaasadda Guinea ilaa horraantii 1990-meeyadii. Waxa uu noqday wasiirka dib-u-heshiisiinta ee dawlad wadaag ah ka dib qalalaasaha siyaasadeed ee sababay dilka ugu yaraan 130 qof intii lagu jiray mudaaharaadyadii ay hogaaminayeen ururradu 2007dii.

Aasaasihii iyo ku xigeenkii xisbiga UFDG ayaa afar sano oo dibad joog ah ku qaatay dalka Faransiiska, xilligaasoo isaga oo maqan lagu xukumay isku day dil oo ka dhan ahaa Conde sanadkii 2011-kii.

Waxa uu ku laabtay Guinea 2016 ka dib cafis madaxweyne balse markii dambe laga saaray xisbiga UFDG. Sanadihii la soo dhaafay ayaa waxa uu la kulmayay dhaliilo ku aadan taageerada uu u hayo dowladda KMG.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed