Deegaan ku yaal gobolka Shabeelada Dhexe oo laga soo warinayo xaalad bini’aadanimo oo aad u adag iyo fariin loo diray maamulka Hirshabeelle iyo dowladda dhexe

Deegaanka Ceel-Muluq oo qiyaastii 30-KM u jira deegaanka Xaaji Cali ee Koonfurta Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa lagu soo waramayaa in ay ka taagan tahay Biyo la’aan daran iyo Xaalado nololeed oo adag oo ay ka mid yihiin Caafimaadka, Waxbarashada iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah oo aad u liita.

Dadka deegaanka ayaa ka deyriyay biyo la’aan baahsan oo ku dhufatay deegaanka taasoo sababi karta dhibaato caafimaad, mid bulsho iyo mid amni haddii aan sid deg deg ah wax looga qaban.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in haweenku marka ay fooshu ka xanuunsadaan loo soo qaado magaalada Muqdisho oo aad uga fog goobta, waxaana suuragal ah in mararka qaar ay wadada ku dhintaan marka ay xaaladdooda ku xumaato, maadaama aysan jirin gurmad deg deg ah oo halkaasi ka jira.

Dadka deegaanka ayaa ku nool nolol aad u adag mana haystaan ​​biyo ay ku daboolaan baahiyahooda aasaasiga ah. Waxa ay ugu baaqeen dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada in ay la soo gaaraan kaalmo deg deg ah si ay xal waara u helaan.

Mid ka mid ah Cuqaasha deegaanka ayaa sheegay in ay aad uga durugsan yihiin ceelasha biyaha taasina ay ka dhalatay ceel biyood la’aanta ka jirta deegaankooda , waxaana ay ku baaqeen in la garab istaago bulshada deegaankaas iyo  sidii loo heli lahaa ceel biyood.

 

Maamulka Ceel-Muluq ayaa sheegay in ay u soo bandhigayaan maamulka Hir-Shabeelle iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya xaaladahan adag ee laga yaabo in ay sababto musiibo bini aadanimo.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed