Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb galaya shirka caalami ah oo ka dhacay dalka Kenya isla markaana aY qeyb galayaan 93 waddan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galaya kalfadhiga lixaad ee golaha deegaanka ee Qaramada Midoobay ee UNEA-6, kaasoo maanta oo Talaado ah ka furmay xarunta hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan deegaanka ee (UNEP) ee magaalada Nairobi.

Shirka UNEA-6 oo socon doona muddo shan maalmood ah ayaa waxaa isugu imaanaya ku dhawaad ​​5,000 oo ergo oo ka kala socda 193-da Waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay (UN) oo ay ku jiraan Madaxda Qaranka iyo Dowlad Goboleedyada. Golaha deegaanka ee Qaramada Midoobay (UNEP) waa hay’adda ugu sareysa ee go’aan ka gaarista arrimaha deegaanka.

Wasiirka Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi iyo Safiirka Soomaaliya ee Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa ka qeyb galaya shirka .

Ujeedada ugu muhiimsan ee shirka waxaa ka mid ah in la kobciyo wada noolaanshaha bini’aadminimada iyo dabeecadda iyada oo kor loo qaadayo wanaagga dadka ugu nugul adduunka.

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Agaasimaha Fulinta ee Barnaamijka Deegaanka ee Qaramada Midoobay (UNEP) Inger Andersen oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada Nairobi ayaa sheegtay in 20 go’aan laga doodi doono, lagana wadahadli doono, laguna ansixin doono golaha, dardargelinta baadi-goobka caalamiga ah ee lagu xaqiijinayo adkaysiga,  iyo mustaqbalka loo dhan yahay.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed